Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Dalka Kenya oo Si Qurux badan Nairobi loogu caleemo saaray.

Posted on Feb 7 2010 - 8:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

top 1

Nairobi (www.Bartamaha.com) Hoolka shirarka ee andulus Hotel ee Dhismaha Eastleighmall ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa maanta si qurux badan loogu caleemo saaray Gudoomiyaha Guddiga Jaaliyadda Dalka Kenya oo uu Fadhigiisu noqonayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Abaarihii 4tii galabnimo ayay ahayd markii ugu horeysay ee ay si rasmiyaha u furantay xaflada loogu talo galay in lagu caleemo saaro guddiga jaaliyadda reer Puntland ee dalka Kenya, iyadoo gudoomiyaha gudigaasi loo magacabay Cabdirisaaq Maxamed Cabdille.

Kulankaan oo ahaa Mid si aad ah looga soo sahqeeeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Dadweyne aad u farabadan oo isugu jirey siyaasin, ganacsato, waxgarad aqoonyahano, haween, dhalinyaro iyo gabdho ku soo labistay Dhar lagu soo xardhay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo garabahana ay ku siteen calanka sadexda Midab ah ee Dawlada Puntland ay Sameysatay.

waxaa si aada xafalad u bilay gabdahaasi oo markii ugu horeysayba aan filayo in loo qorsheeyay iney fariistaan muuqaalka amaba safkii ugu horeeyay ee madasha xafladda taasi oo farxad badan galisay dad badan oo ka soo qeyb galay xafladda.

Inkastoo xafladu ay ku duwanayd xafladihii hore ee ay soomaalidu dhigan jirtay isla markaan ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen bulshadii soomaaliyeed ee ka qeyb gashay gaar ahaana dadkii reer puntland ee halkaasi lagu casuumay iney ka soo qeyb galaan si ay markaasi u dhageystaan fariinta ay sidaan guddiga 6da bilood ee soo socota hogaamin doona Jaaliyadda Puntland ee Dalka Kenya.

Xiriiriye Guuleed oo si wanaagsan u qaadaa dhigayay hanaanka xaflada ayaa daqiiqadihii ugu Horeeyay waxaa uu masraxa hadalka uga yeeray gudoomiye Cabdirisaaq Maxamed Cabdille oo ah Masuulkii loo caleemo saaray Gudoomiyaha Jaalliyadda Puntland ee Dalka Kenya.

Cabdirisaaq oo la qeybsanayay farxadiisa shacbiga reer Puntland ee Dalka Kenya islamarkaana dusha ku sitay Calanka dawladda Puntland ayaa si wanaagsan usoo istaagay goobtii hadalka, waxa uuna isla markiiba ku dhiiraday inuu soo bandhigo waxyaabihii u suuro galay iyo qaabkii ay halkaasi ku soo gaareen.

Intii uusan Gudoomiye Cabdirisaaq soo bandhigin barnaamijkii uu ugu talo galay inuu maqalsiiyo dadweynihii madashaasi kasoo qeyb galay iyo warbaahintii lagu casuumay ayaa waxaa mudo farabadani socday Ubax sharafeedkii ay qaar kamida shacbigii halkaasi ka soo qeyb galay ay ugu talo galeen Gudoomiyaha iney si xamaasadeysan ay ugu wareejiyaan.

top 2

Gudoomiyaha ayaa ka hadlay hanaanka ururka jaaliyadda Puntland qaabkii lagu doortay iyo sidoo kale waxyaabihii ilaa iyo haatan u qabsoomay.

Mr Cabadile ayaa sheegay in waxyaabihii ay muhiimadda ugu horeysay siiyeen ay kamid ahaayeen.

1- Xiriirka Arimaha Dibedda.
2- Isku Xirka jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya.
3- Xaqiijinta xafiis ay yeelato Jaaliyadda Puntland ee reer Kenya.
4- Sare u qaadida wacyiga waxbarshada, iyo barnaamijyada horumarinta dhalinyarada.

Gudoomiyaha oo dhabtii soo badhigay qodobo kala gedisan ayaa haddana waxyaabihii uu soo bandhigay ee ay ku dhiiradeen iney qabteen waxaa kamid ahaa xiriirka arimaha dibedda, waxa uuna gudoomiyuhu sheegay iney la xiriireen xafiisyo kala duwan oo uu ka xusay xafiiska jaamacadda carabta u qaabilsan arimaha dhalinyarada Asadiin Cabdulaahi Cabdulxaaq oo caamir muusa u qaabilsan isku xirka iyo horumarinta dhalinyarada wadamada ka tirsan jaamacadda carabta.

Gudoomiyuhu sidoo kale waxa uu ka waramay hawlaha xafiiska Jaaliyadda Puntland isagoo sheegay iney gacanta ku hayaan xafiiskii ka kooban ilaa iyo 5 qol oo ay ku hawl gali doonaan jaaliyadda reer Puntland isagoo ka warbixiyay in kharashaadkii xafiiskaasi loogu talo galay oo gaaraya ilaa iyo wax ku dhaw $16000 ay qaarna gacanta ku hayaan qaarka kalana ay ka sugayaan ummadda reer puntland guud ahaanteeda gaar ahaana inta ku sugan Dalka Kenya.

Guddiga jaaliyada Reer pintland ayaa sidoo kale waxay sheegeen iney ka shaqeyn doonaan sidii loo hir gelin lahaa Mashaaricdan soo Socda.

1- Isku xirka jaaliyadda Puntland eek u nool dalka Kenya, iyadoo haatan xafiiskii ugu horeeyay laga furay magalada Nairobi islamarkaana la gaarsiin doono dhamaan sideeda gobal ee uu dalka Kenya ka kooban yahay.

2- Aqoonsihga Jaaliyadda Puntland eek u sugan Dalka Kenya.

3- Isku xirnaanta hooyooyinka Reer puntland ee ku sugan Kenya iyo puntland Si loo taageero danyarta ku dhibaateysan gudaha Puntland.

4- Sameynta Gudiyao kala gedisan iyo qaabkii loogu fududeyn lahaa kulamadooda.

5- Gudiga waxgaradka, cuqaasha iyo isimada reer puntland ee dallka Kenya.
6- Sameynta barnaamijyo lagu hormarinayo dadweynaha puntland gaar ahaana kuwa ku dhaqan gobalada dawladda Puntland waxaana arimahaasi ka xusi karnaa:

• Hirggelinta mashaaric lagu bartilmaamedsanayo ardeyda reer Puntland sidoo loogu heli lahaa deeqo waxbarasho iyo xarumo ay ku siyaadsadaan cilmigooda.

• Sare u qaadida barnaamijyo lagu taageerayo aqoonyahanada, Saxafiyiinta, Hooyooyinka, Gabdhaha, iyo dhamaan xirfadlayaasha si loogu xaqiijiyo iney helaan goobo ay ka heli karaan aqoon kororsi iyo wax taaba gelin kara himiladooda.

Kadib markii uu soo bandhgay gudoomiye Cabdirisaaq waxqabadka ururka Jaaliyadda Puntland ayaa waxaa gobtaasi sidoo kale ka hadlay xubno kala gedisan oo ka tirsan jaaliyadda Puntland, xildhibaano katirasn dawlada federaalka KMG ee Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen xildhiibaan Daahir cirro, xildhibaan Sandheere, xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla, dhinaca siyaasiyiinta intaana ka bixin waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay xildhibaan hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Dawladda Kenya oo laga soo dooran jirey gobalka ay Soomaalidu Degto ee waqooyi bari dalka Kenya Ilyaas Barre Shiil.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka Hadley waxgarad farabadan oo uu ka mid yahay Axmed Ereg oo markaasi si xamasadeysan uga Hadley qaabkii ay dhalinyarada kula kulmeen waxqabadkooda iyo sidii ay ula soo shaqeeyeen isagoo sheegay iney horeyna u taageeraan haddana ay taageersan yihiin guddoonka iyo guddiga jaaliyadda reer Puntland ee Maanta lagu caleemo saarayo magaalada Nairobi.

Doorka ganacsatada reer Puntland ee dalka Kenya ayaa waxa ku hadlay Cadirashiid Maxamed Muuse oo loo yaqaano Dhaddin waxa uuna sheegay iney aad ula dhacsan yihiin gudoonka jaaliyadda Puntland isla markaana ay la shaqeyn doonaan, dhinaca haweenka Ganacsatada reer puntland ayaa waxaa ku hadlay hooyo meymuuuna oo ka dhawaajisay in markii horeba hooyooyinka soomaaliyeed ay ahaayeen dhiig joojin ilaa iyo haddana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dhalinyarada isu taagtay iney dhisaan isla markaana ka miro dhaliyaan waxqabadka jaaliyadda reer Puntland.

Sidoo kale waxaa xusid mudan inuu goobtii ay ka dhacaysay xafladda caleemo saarka jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya uu ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan golaha jaaliyada ee Waqooyiga M America gaar ahaana gobalka Minnesota waxaana halkaasi ka hadlay cabdixabiib yaasiin warsame oo ku hadlay magaca jaaliyadda Puntland ee Gobalka Minnesota.

Cabdixabiib waxa uu sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin iney ka soo qeyb galaan kulankii lagu caleemo saarayay gudoomiyaha jaaliyadda Puntland mudane cabdirisaaq maxamed cabdille.

Mr xabiib waxa uu ka dhawaajiyay iney talo iyo tusaalaba ay siinayaan guddiga jaaliyadda Puntland ee Kenya laga dhisay maadaana ay iyagu sanado badan kasoo shaqeynayaan Waqooyiga Mareykanka iyagoo matalayay Jaaliyadda Puntland ee halkaasi ku sugan.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in goobta xaflada uu ka soo qeyb galay mid kamida raggi sameeyay Calanka Dawladda Puntland ay yeelatay Maxamed Abshir Faraax oo markaasi si heersare ah ay dadkii xafladdu ugu sare kaceen taasi oo muujinaysay rabbitaanka, jeclaan iyo weyneynta ay Reer puntland u hayaan Calankooda iyo ruuxa Fikiray sameyntiisa.

ugu dambeyntiina xafladan ayaa ahayd mid si aada looga soo shaqeeyay isla markaana ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u farabadan oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxada iyo wadaniyada aad u heer sareysa, waxayna dadweynuhu u muuqdeen iney si aada ula socdeen isla markaan ay ula dhacsanaayeen hanaan iyo maamuuska ay xafladani ku socotay.

Diyaariye: Cabdiqafaar Axmed Shire Madaxa RBC Nairobi, Kenya.

Isku dubaridka Ubax Maxamed Suleyman Madaxa Xayeysiinta iyo Arimaha Bulshada.