Gudoomiyaha Degmada Guri-Ceel oo dil ka badbaaday iyo Qasaara gaaray caruurtiisa.

Posted on Sep 8 2010 - 11:46am by News Desk
Tweet
Pin It

qarax-miinoBartamaha (Guri-Ceel):- Waxaa Xalay dil ka badbaaday Gudoomiyaha Degmada Guri-Ceel Ee Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Weerar qaraxyo ah Bambaano ah oo waxyeelo geestay ayaa lala beegsaday guriga gudoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahlu Sunna Wal jamaaca kaasi oo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

Gudoomiyaha Degmada Guri-Ceel Cusmaan Ciise Taardhuleed ayaa si dirqi ah uga badbaaday Bambooyin saddex ahaa oo lagu dhiftay guriga uu ka daganaa Deegaanka uu maamulka ka yahay ee Guri-Ceel.

Gudoomiyaha ayaa qaraxyadaasi naftiisa ka badbaaday balse waxaa ku dhaawacmay Saddex Caruurtiisa ah oo dhammaan aad u liita kuwaasi oo ay ku jiraan laba ka mida oo horay qarax waxyeela uga soo gaaray.

Gudoomiyaha ayaa ka badbaaday isku daygaasi dil waxaana dhaawacmay saddex caruurtiisa ah oo hadda la dabiibayo kuwaasi oo laba ka mida Bil ka hor ay ku dhaawacmeen qarax Gudoomiyaha lala beegsanayay oo ka dhacay guriga uu daganaa masuulkaasi.

Ahlu sunnah ayaa saaka bilowday Howlgalkii ugu xooga badnaa si ay u raad raacaan raggii qaraxyada la beegsaday guriga Gudoomiyah oo caruurta masuulkaais waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxyada xalay lagu weeraray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]