Goolhayaha xulka Spain oo waraysi lama filaan ah siiyay saaxiibtiis oo weriye ah (VIDEO)

Posted on Jul 12 2010 - 4:54am by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha — casilias2Markii ay maanta Spain badisay koobka kubadda cagta Aduunka ayaa waxaa la waraystay kabtanka kooxda Spain Iker Casillas laakiin waraysigaasi wuxuu noqday mid laga sheekayn doono maalmaha soo socda.

Waraysigan ayaa waxaa qaaday weriye u shaqeeya TV-ga Telecinco laakiin gabartan weriyaha ahi waxay saaxiib la tahay goolhayahe Iker Casillas oo labadoodu waa lamaane.  Gabartan ayaa lagu magaacabaa  Sara Carbonero, waxayna weydiisay Iker sida uu dareemayo maadaama uu maanta Koobka Aduunka gacanta uu ku dhigay. Iker Casillas oo aad u faraxsan ayaa kadib markuu waaridkiisa u hambalyeeyay oo xoogaa yarna uu ilmeeyay ayuu hal mar dhunkasho farxadi keentay ku qabtay gabarta weriyaha ah iyaduna meel laga jiro ayay kala garan weyday.

Daawo siday wax u dhaceen. [ via DAILYGA.COM ]