Bartamaha(New York):-kulan ay ka soo qeybgaleen 15-dal Ee ku bohoobay Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobe oo xalay xilli danbe lagu soo afmeeray New York ayaa laga soo saaray baaqyo ku aadan arimaha dalka soomaaliya.
Kulankaasi oo diirada lagu saarayay arimaha Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyeen Wakiilada 15-dal Ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka iyo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya.
Xog-hayuaha Guud Ee QM Ban-ki-Mon ayaa ka jeediyay kulanka warbxin uu kaga hadlayay isbadalada arimaha soomaaliya isagoo sheegay in xiligan uu dalkaasi waxkaqabasho leeyahay haddii kale ay taladu faraha ka bixi doonto.
Dhammaan wakiiladii kulankaasi ka qeybgalay ayaa waxa ay isku raaceen in xaalada soomaaliya xiligan wax laga qabto iyagoo baaq wada jir ah u diray dowlada Eritrea.
Baaqa ka so baxay dowlada wadanka Eritrea ayaa waxa uu ku aadanaa in aay joojiso taageerida islaamiyiinta islamar’ahaantaana aanay wax lug ah ku yeelan dagaalada ka socda soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.