Gobolka Banadir oo qaaday Koobka Horyaalka Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya (Sawiro)

Posted on Jan 1 2011 - 10:53am by News Desk
Tweet
Pin It

9Bartamaha (Garoowe):-Ciyaartii Cuslayd ee muddo ka socotay Magaalada Garoowe ayaa shalay soo afmeerkeeda waxaa koobka la galbaday Gobolka Banaadir oo guul gaaray.

Ciyaartani oo dhex Martay Gobolada Bari iyo Banaadir ayaa waxaa ay Ahayd Mid Lagu Qaadanayay Koobki Gobolada soomaaliya ee Dhawaanahan Ka socda Garowe.

Cayaartaan ayaa aheyd mid ay ka soo qeyb galeen dhamaan madaxda Puntland iyo shacab aad u badan oo ka kala yimid gudaha iyo dibada dalka soomaaliya.

Ciyaarta o  ku Bilaabatay Jawi Dagan Waxaa Qaybtii Hore ee Ciyaarta Gool La Yimid xulka Banaadir Kaasi oo CIyaarta KU Dhmaatay Iyadoona Gobolka Bari Uu Isku Dayay in uu Iska Soo Gudo Goolkaasi Hadana uma suuroobin

Xaflada Xiritaanka Cayaarta ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Masuuliyiin Uu Ka mid Yahay Madaxweynaha Puntland Dr: C/raxmaan Faroole iyo Xubnihiisa Wasiirada Qaybo ka Mid ah Sidoo Kalw Waxaa Xaflada Ku Suganaa Maamulka Olompikada Somaliyeed.

Hadaba waxaa halkaasi Lagu Bixiyay Koobki Oo La Gudoonsiyay Gobolka Banaadir Iyo Kaalinta Labaad Oo la Gudonsiyay Kaalinta Labaad Waxaana Kaalinta sadexaad Helay Gobolka Nugaal.

Sidoo Kale Macalinkii Ugu Wanaagsan waxaa Helay macalinka Gobolka Bari Abshir Yusuf iyadoona Cayaryahanka Ugu Wanaagsan Intii Cayaarta Socdeen uu Helay  Maxmed Timojilic.

Dhamaan Taageerayaasha ayaa si Xamaasad Leh Ugu Hambaleiyeeyay Xulka Banaadir Oo Maanta ku dabaal Dagay Bartamaha Magalada Garowe ee Caasimada Puntland.

1

2

3

4

7

89

6

9

Xuquuqda Shawirada:-SHACABKA.NET