Gaari Xabada aanay karin oo dib loogu wareejiyay Hay’ada UNICEF

Posted on Jan 19 2011 - 3:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

5Bartamaha (Muqdisho):-Dowalda KMG ah ayaa dib u siisay Hay’ada UNICEF gaari aanay xabada karin oo alshabaab ay hore u qabsatay.

Dowlada KMG ah ayaa dhaqaale culus ku bixisay soo celinta gaari UNICEF ay lahayd oo alshabaab ay ku qabsadeen gudaha Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/dhexe.

Cali Jowhar Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ayaa saxaafada maanta u sheegay in Dowlada KMG ah ay gaari aan xabada karin oo 7-bil ka hor la qabsaday ay heshay ka dibna ay siisay UNICEF.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amniga dowladda KMG ah  ayaa furihii gaarigaasi ku wareejiyay sarkaal ka socda hay’adda UNICEF waxaana uu cadeeyay in gaarigaasi uu ahaa mid faa’iida badan.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa waxa uu xusay in dhaqaale culus la siiyay dadkii ka soo shaqeeyay Alshabaab sidii gaarigaasi looga soo qaadi lahaa islamarkaana ay hada dhaqaalahaasi ka doonayn hay’ada UNICEF.

Gaarigan ayaa muddo dhowr bil ka hor ah laga qaatay guri ku yaala Magaalada Jowhar Ee Gobolkaasi Sh/dhexe wallow haatan dib loo helay gaarigaasi oo gacanta dowlada maanta lagu arkay ka dibna la siiyay madaxda hay’adaasi Unicef.


Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]