Fu’aad Shangole oo hanjabaad culus u jeediyay Dowlada Ugandha.

Posted on Sep 8 2010 - 8:41am by News Desk
Tweet
Pin It

shangoleBartamaha (Muqdisho):- Sargaalka Shabaabka ugu qaabilsan dhanka Dacwada ayuaa fariin Hanjabaad Culus Xanbaarsan u jeediyay Dowlada Ugandha iyo Shacabka Soomaalida ah oo uu dalab u jeediyay.

Madaxa Dacwada iyo Tashkiilinta ee Kooxda Alshabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shangole oo looga yaqaano Alshabaab dhexdooda Abuu-C/raxmaan Al-Sokorii ayaa waxa uu shalay hajnabaad mutaxan u jeediyay Dowlada Ugandha.

Sheekh Fu’aad Shangole oo dhalinyarada ALshabaab u aqrinayay Kitaab Masjid ku yaala Bakaaraha ayaa waxa uu ka dib jeediyay fariin qaawan oo ku wajahan Dowlada Ugandha.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongale)  ayaa waxa uu Dowlada Ugandha ugu hanjabay qaraxyo hor leh haddii aanu madaxweyne Yuweri Musafani joojin ciidanka uu ku soo daabulayo gudaha Dalka.

Shangole waxa uu xusay in haddii ciidamo hor leh oo ka socda dalka Yugandha ay soo gaaraan Soomaaliya ay Kampala la beegsan doonaan dhacdooyin la mid ah dhacdadii ka dhacday 11-kii bishii July ee sanadkan 2010-ka.

Fu’aad Shangole waxa uu shacabka Soomalaiyeed ugu baaqay in ay adkaystaan isagoo balan ku qaaday in ay ka dul qaadayaan dhibaatada Ciidanka Amisom ay ku hayaan shacabka dagan Muqdisho.

Shangole oo ay Takriirta agtiisa uga dhawaaqayeen dhalinyarada fekerkiisa ku qanacsan ayaa waxa uu wacad ku maray in ay qarxinayan danaha Ugandha ee Caalamka iyo gudaha dalkeeda.

Hanjabaada Shabaabka ka soo yeertay ayaa imaanaysa xilli magaalada Muqdisho dhawana ay soo gaareen Ciidan ka socday Dowlada Ugandha oo dheeraad ahaa kuwaasi oo ay alshabaab ka baqanayaan in dagaalada ay ku soo biiraan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].