Dadweynaha reer Amsterdam waxaa lagu wargelinayaa in la keeni doono magaaladooda filimaan Soomaali ah oo aad u xiiso badan kuna saabsan wacyi galin iyo isbedelka ku dhacay Soomaalida qurbaha ku sugan.
Filimaantan ayaa markii ugu horeysay dalka holland laga daawan doonaa iyadoo laga soo dhigay dalal fara badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Kanada, Austraaliya, New Zealand, iyo dalka Ingriiska.
Filimaantan ayaa kala ah Gabar Haloo Doono oo ay jilayaan aktarada Soomaalidsa kuwooda ugu caansan sida Faaduma Cali Nakruuma iyo Gahayr Berbera. Filinka kalena waa filinkii AMBAD oo si weyn loogu riyaaqay sheekadiisa, wuxuuna ku saabsan yahay wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Darmaan Abtidoon oo aan cidina u joogin Maraykanka isla mar ahaantaasna haysan wax garab ah ama qof caawiya ama la tacaala.
Ambad wuxuu si weyn uga hadlayaa isbedelka dhaqameed ee soo wajahay dhallinta Soomaaliyeed, waana filin wacyigelinaya dhallinteena da’da yar una sheegaya siday waxyaalaha qaarkood uga feejignaadaan.
Waxaa farxad u ah dadweynaha reer Holland gaar ahaan magaalada Amsterdam inay soo dhoweeyaan filimaanta la keenay magaaladooda iyadoo weliba uu magaalada joogo soo saaraha filimaantan mudane Cabdisalaam Axmed Caato, oo ka warami doona sababaha dhaliyay inuu sameeyo labadan filin.
Ha moogaan hana ka maqnaan malinta Jimcaha oo lagu dhigi doono Xarunta Hirda oo ku taal 150 Wibaustraat.