Faroole “Waan ka guulaysanay kooxdii Atam …ammaankana waan adkeynay….”.

Posted on Aug 10 2010 - 8:59am by News Desk
Tweet
Pin It

farooleBartamaha (Garoowe):- Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay Deegaanada Buuralayda Galgala isagoo guul balaaran ka sheegtay dagaalkii ka dhacay buuralayda.

Madaxweyne C’/raxmaan Faroole oo saxaafada warsiinayay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii ka dhacay Galgala uu guul balaaran ku dhamaaday islamarkaana ay halkaasi ka taliyaan xiligan Ciidanka Ammaanka Puntland.

Faroole waxa uu xusay in dagaalka ay ku galeen Buuralayda aanu jirin qasaara buuran oo dhankooda gaaray balse uu sheegay in ay jabiyeen Kooxdii Sheekh Maxamed Atam oo baxsadkooda lagu raadjoogo.

“Waan ka guulaysanay kooxdii Atam oo way ku jabeen dagaalkii ay la galeen Ciidanka Amniga… ammaankana waan adkeynay oo ciidanka qaranka ayaa ku sugan deegaanada dagaalka ka dhacay….” ayuu madaxweyne Faroole yiri xilli uu dagaalka natiijadiisa ka hadlayay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland waxa uu hadalkiisa ku sii daray in ay qabteen ku dhawaad 300-dhalinyara ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo doonaysay in ay gurmad ahaan ugu tagaan Ciidanka Sheekh Atam.

Sidoo kale Md.Faroole waxa uu sheegay in ay ka war heleen qorshe ay dadka ka soo jeeda Burco iyo Ceer-gaabo ay gurmad ahaan ugu tageen Ciidanka Sheekh Atam oo dagaalka ay qeyb ka ahaayeen.

Shalay ayay ahayd markii masuuliyiin ka tirsan Puntland ay sheegayeen in ay gaareen Buurta Galgala oo ay ka qabsadeen Ciidankii Sheekh Atam kuwaasi oo aan la ogayn halkii ay ka galeen buurtaasi.

Xaalada ayaa ah mid aan weli la isku hubin islamarkaana laga baqanayo in dagaalka uu dib uga qarxo qeyba ka mida Buurta Galgala oo aan weli laga wada saarin Ciidankii mudooyinka sanadaha ah daganaa Deegaankaasi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]