Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisal Wasaaraha Xukumada KMG ahayaa maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamanka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta gaaray guriga Umada ayaa waxa uu khudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Farmaajo oo akhrinayay qoraalada qeexaya qorshaha wax qabad ee xukuumaddiisa ayaa waxa uu maanta u sharaxay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo inay wajaheyso xukuumaddiisa cusub ammaanka guud ee magaalada Muqdisho oo dhibaata xoogan ay ka taagnayd.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu xusay in xukumadiisa ay sidoo kale samayn doonto isbadal balaaran oo dhanka ammaanka ah iyo dhismaha guud.
Farmaajo waxa uu tusaale u soo qaatay in Xukumadiisa haatan ay ka kooban tahay wasiiro iyo ku xigeeno si gaar ah loo soo xulay kuwaasi oo nabada ka shaqeynaya.
Masuulkan ayaa waxa uu xildhibaanada ugu baaqay in ay xukumadan tayada leh lala shaqeeyo islamarkaana si gaar ah kalsooni la isku hubo loo siiyo.
Xildhibaanada ayaa u sacaba tumayay masuulkan xilka Ra’iisul Wasaaraha haayay taasi oo muujinaysay in Kalsoonida Baarlamanka Soomaaliya loo sii sharaxayay masuulkaasi.
Waxaa lagu balamay Kulanka lagu ansixinayo Wasiirada Dowlada Soomaaliya in Maalinta Isniinta ah ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.