Dowladda Kenya oo diiday in Burcad badeeda lagu Maxkamadeeyo dalkeeda.

Posted on Apr 1 2010 - 12:59pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

PIX+3

Bartamaha (Nairobi):- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay joojisay in dalkeeda la keeno, oo lagu maxkmadeeyo dadka looga shakiyo burcad badeedda ee laga soo qabto xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadan.

Wasiirka arimaha dibadda Kenya Moses Wetangula oo Saaka Shir Jira’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ku shaaciyey in ay dhaqan gelinayaan go’aan ay labo asbuuc ka hor soo saareen kaasi oo ahaa in la joojiyo maxkamadaynta Burcad Badeeda Soomaalida.

Shirka Jira’id saaka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Amos Wako kaasi oo isna sheegay in aysan surtagal ahayn qaabilaada Burcad Badeed hor leh iyadoo xabsiyada wadankaasi ay ka buuxaan kuwa kale.
Waxa ay sheegee in masuuliyaddii saarneyd waddamada gobolka ee la xiriirtay dadka burcad badeedda looga shakisan yahay lagu cidleeyay Kenya sidaa waxaa yiri Wsaiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Moses Watangule.
“Mudo lix bilood laga joogo ayaan ka dingnay in dalkeena Burcad badeed dane aan lagu Maxkamadeed doonin” ayuu yiri Moses Wetangula.
Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay dib u eego doonto heshiis ay la gashay waddamada reer Yurub ee hawlgalka la dagaallanka burcad badeedda ka wada xeebaha Soomaaliya.

Magaaladda Xeebta ah Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxa hadda ku xiran in ka badan boqol qof oo loo heysto inay ku jireen falal burcad badeednimo ah

Ibraahim Da’ud Cabdalle “Gentleman”
[email protected]

xafiiska bartamaha ee Nairobi,Kenya