Dowladaha Talyaaniga iyo masar oo ka wada hadlay arimaha Dalka Soomaaliya.

Posted on Oct 18 2009 - 7:55am by News Desk
Tweet
Pin It

1255821425Bartamaha(Roma):-Madaxda Talyaniga iyo Masar ayaa ka arinsaday Xaalada Dalka Soomaaliya iyo qaabka tageerada dhinacyada reer galbeedka ee arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak oo booqasho ku tagay Roma ayaa halkaasi kulan kula yeeshay madaxweynaha dalkaasi iyo Ra’iisul wasaaraha isagoo si gaar ah kala hadlay arinta soomaaliya.

Mubaarak ayaa sheegay in wadamada reer galbeedka ay isku mashquuliyeen la dagaalanka Burcad badeeda balse aanay wax taageera ah u fidin Dowlada KMG ah ee soomaaliya oo dagaal kula jirta mintidiin ku soo duushay.

Kulanka Madaxda Masar iyo Talyaaniga ayaa waxaa si weyn la iskula faaqiday wax ka qabshada dalka Soomaaliya iyo dagaalada Dowlada KMG ah ay kula jirto Mucaaradka si garab loogu siin lahaa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.