Dowlada Yaman iyo Qaramada Midoobe oo ka arinsaday dagaalada Soomaaliya xiligan ka jira.

Posted on Aug 16 2009 - 8:47am by News Desk
Tweet
Pin It

yaman iyo UnBartamaha (Sanca):- Dowlada Yaman iyo Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Arimaha Soomaaliya aya kulan ay uga tashanayeen dhibaatada soomaaliya ka taagan xiligan ku yeeshay Magaalada Snca .

Wakiilka QM Ee Arimaha Soomalaiya Axmedu Walad Cabdalla iyo Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Yaman Dr.Abuu-bakar Al-qurabi  ayaa kulan ka yeeshay arimaha dalka soomaaliya iyo dhibaatada xiligan ka taagan dalka soomalaiya.

Axmedu Walad Cabdalla Wakiilka Xog-hayaha Guud Ee Qaramada Midoobe ayaa ka dalbaday madaxda dowlada Yaman in ay aqbalaan codsigii dhawaan Dowlada Soomaaliya ay u jeedsay wadamada Dereska oo ay qeyb ka ahayd dowlada Yaman.

Walad Cabdalla ayaa la sheegayaa in uu ka codsaday dowlada Yaman in ay taageera rasmi ah u samayso dowlada Soomaaliya islamarkaana ay aqbasho taageeradii caalamiga ahayd Ee Dowladaasi ka dalbatay Caalamka.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Yaman Dr.Abuu-bakar Al-qurabi ayaa u sheegay wakaalada Wararka Dalka Yaman Ee Saba in Dowladiisa ay diyaar u tahay taageerida dib u hishiisiinta Dalka Soomaaliya dhinacyada isku haya laga sameeyo isagoo muujiyay in loo baahanyahay in la garab istaago dowlada Soomaaliya.

Illaa haatan ma jiro wax natiija ah oo la taaban karo oo dowlada Yaman iyo Qaramada Midoobe ay ka gaareen kulankii ay ku yeesheen Magaalada Sanca Ee Dalka Yaman .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.