Dowlada Talyaaniga oo shaaca ka qaaday in ay la dagaalamayos Kooxaha Burcad Badeeda sii dhammaanaya.

Posted on Jun 27 2009 - 9:13am by News Desk
Tweet
Pin It

francoBartamaha(Muqdisho):-Wasaarada arimaha dibada wadanka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan bilaabayso howlgalo ay ku ugaarsanayso kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya oo ay sheegtay xiligan in ay sii dhamaanayaan.

Wasiirka arimaha dibada wadanka Talyaaniga Franco Franttine oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Roma ayaa sheegay in talyaaniga uu haatan goystay la dagaalanka sida tooska ah ee kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay dhibaata ka wadaan xeebaha soomaaliya.

Franco Franttine ayaa tilmaamay in ay dhankooda dalka soomaaliya gacan ka siinayaan holwaha la dagaalanka kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah balse aanay ciidamadoodu tagaynin gudaha dhulka soomaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay ku qaabayaan caawin dag-dag ah in la siiyo dowlada KMG ah Ee Dalka Soomaaliya is ay uga hor’tagto koxaha kaamiga ku haya xarunta madaxtooyada dalka soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga ayaa ugu danbayntii xusay in ay dowlada Talyaaniga ay tababar u samaynayso Ciidamada dowlada FD soomaaliya si ay u noqdaan kuwa isku filan oo iska caabin kara islaamiyiinta weerarada badan.

Hadalkan ka imaanaya Wadanka Talyaaniga ayaa sawir guud ka bixinaya in Talyaaniga aanu diyaar u ahayn in uu ciidamo xagga lugta ah ay soomaaliya ka soo galaan balse ay ku gaabsanayaan baaqa iyo la dagaalanka waxa loogu magacdaray Burcad Badeeda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.