Bartamaha(Muqdisho):-Wasaarada Difaca Ee Dowlada Wadanka Soomaaliya ayaa baaq u dirtay in dhamaan ciidamadii dowladii dhexe Ee Soomaaliya ay iska soo diiwaan galiyaan xarunta wasaaradaasi ee Muqdisho.
Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya ayaa ka dalbatay saraakiishii iyo Ciidamadii hore Ee Soomaaliya waxii ka harsan in ay iska soo diiwaan galiyaan xarunta wasaaradaasi .
Kulankii ugu danbeeyay ay wasiirada Muqdisho ku qaateen ayaa la sheegayaa in ay uga hadleen ciddii lagu aamini lahaa hub dowlada ay leedahay oo xilligan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amisom kaasi oo illaa xiligan ay dowladu ku jahawareersan tahay ciddii ay u dhiiban lahayd.
Ciidamadii dowladii dhexe Ee Soomaaliya ayaa intooda badan waxa ay noqdeen kuwa howlgab ah halka qaarka kalana ay isaga fariisteen shaqooyinkaasi maadaama dalku aanu lahayn dowlad dhaqaala ahaan isku filan.Â
Qaar ka mida Xubno ka mid ahaa dowladii dhexe Ee Soomaaliya ayaa haatan ku jira dowladan iyadoo aanay helin xaqqii qaranka ay ku lahaayeen islamarkaana ay naftooda halis ku jirto.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.