Dowlada Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay rag ajaanib iyo Soomaali dagaaladii shalay lagu dilay.

Posted on Oct 19 2009 - 3:39pm by News Desk
Tweet
Pin It

MeydBartamaha(Muqdisho):-saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta soo bandhigay Meydad ay sheegeen in ay ku dileen dagaal shalay galinkii dambe ka dhacay wadada damba ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenada Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta dowlada KMG ah oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Meydadka ay maanta soo bandhigeen ay ka mid ahaayeen rag ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kula dagaalameen qeybo ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Howl-wadaag.

Afhayeenka Ciidamada booliska C/llaahi Xasan bariise oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in meydadka ay soo bandhigeen mid ka mid ah uu yahay cadaan ka soo jeeda wadamada carabta sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sheegay in sidoo kale gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxihii soo weeraray isaga oo dhaawac ah haatana lagu dabiibayo isbitaal ay dowladu maamusho.

Afhayeenka Ciidamada daraawiishta dowlada KMG ah sheikh C/risaaq Qeyloow oo halkaasi ka hadlay ayaa ku faanay in ay aasi doonaan Meydadka ay ku sheegeen in uu yahay ruux cadaan ah isla markaana aysan ku daysan doonin xoogaga ka horjeeda oo uu ku sifeeyay in  meydadka wadooyinka ku jii jiidaan.

Aabaha dhalay mid ka mid ah laba ruux ee Meydadkooda la soo bandhigay ayaa sheegay in wiilkiisa mudo sideed bilood ah uu ka maqnaa isla markaana ka soo tagay xiligaasi isaga oo iskuul ku sii jeeda.

Ma jiraan wax war ah oo wali ka soo baxay xoogaga dowlada ka horjeeda kuwaasi oo ay kaga hadlayaan meydadka ay maanta soo bandhigeen saraakiisha ciidamada dowlada kMG ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.