Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa guddi u saartay sababihii keenay dagaalkii shalay madax ka tirsan dowlada Ciidamadooda ay ku galeen Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho kaasi oo dhaliyay qasaara shacabka ka soo gaaray dagaalkaasi.
Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta dowlada Soomaaliya C/risaaq Qeylow ayaa waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu guddi u saaray baaritaan ku sameeya dagaalkii shalay ka dhacay Wadada Zoobe Ee Muqdisho.
Afhayeenkaasi oo markii ugu horeysay magaca dowlada ku hadlay ayaa waxa uu tilmaamay dagaalkii shalay Ciidamada Dowlada ay dhexdooda ku galeen bartamaha Muqdisho mid aan sharciyad lahayn islamarkaana tallaabo laga qaadi doono raggii lugta ku lahaa.
Dagaalka shalay dhacay ayaa waxaa si rasmi ah isaga horyimid taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdi Qeybdiid iyo Gudoomiye Xigeenka Gobolka Banaadir C/fitaax shaaweeye oo isku qabtay Isbaarada Ex –Control Afgooye oo shalay ay Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan la wareegi lahaayeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.