RIYAD, (Bartamaha) Dowlada Sucuudiga ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in xayiraadii laga qaaday xoolaha Soomaaida ee loo iibgeyn jiray dalkaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowlada Sucuudiga.
Bayaan ay soo saaertey wasaarada beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay n furitaanka ganacsiga xoolaha Soomaalida ee dalka Sucuudigu uu ka dambeeyey amar ka soo baxay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdalcasiis.
Waxaana arintan lagu sheegay inay wax weyn ka bedeeyso qiimaha iyo dalabka badan ee xoolaha nool xilligan oo uu soo dhow yahay waqtiga Xajka iyo Ciida Carafo.
Warka ka soo baxay wasaarada beeraha ee Sucuudigu waxaa lagu sheegay in ay shuruud tahay in xoolaha la geynayo Sucuudiga la hubiyo caafimaadkooda lana soo siiyo shahaado caafimaad iyadoo la soo marsiinayo maxjarada xoolaha ee Soomaalida.
Waqtigan waxay xoolaha Soomaalida ka dhoofayaan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho, waxaana la filayaa in dekedahaasi ay si rasmi ah uga dhoofaan xoolaha.
Dowlada Sucuudigu waxay hore u xayirtay xoolaha Soomaalida iyadoo taasi sabab looga dhigay caafimaadkooda oo liita, laakiin ma cadda in hadda ay sii socon doonaan illaa waqti kasta ama in ay ku eg yihiin waqtiga xajka.
Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in ganacsiga xoolaha Soomaalida uu socon doono xilli kasta.
halkan ka akhri bayaanka Dowlada Sacuudiga