Dowlada Punland oo dhaliishay qaab dhaqanka Sirdoonka Ethiopia Ee gudaha Deegaanada Punland.

Posted on Oct 9 2009 - 8:35am by News Desk
Tweet
Pin It

magaalada galkacyoBartamaha(Gal-kacyo):-Maamulka Dowlada Goboleedka Punland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dil habeenkii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo kooxo Sirdoonka Itoobiya ka tirsan ay dad ku gowraceen.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa ku Eedeeyay sirdoonka Itoobiya in ay ka danbeeyeen dil habeen hore loo geystay laba nin oo guryahooda lagala baxay Magaalada Gaal-Kacyo.

Wasiirka Amniga C/laahi Siciid Samatar ayaa sheegay in Sirdoonka Ethiopia ay xoog ku soo galeen Gal-Kacyo ka dibna ay labadaasi qof guryahooda kala bexeen siyaabo kala duwana ay ugu dileen Magaalada duleedkeeda.

Wasiirka aya  tilmaamay in si laga naxo ay u gowraceen Ciidamada Itoobiyaanka ah labada nin oo Magaalada ay kala bexeen taasi noo uu sheegay in aanay marnaba u dulqaadan doonin Punland.

Maamulka Punland iyo Ethiopia ayaa wada shaqeynta xagga ammaanka ah ee u dhexeeyay uu xumaaday ka dib markii habeen hore si qaldan ay Itoobiyaanka sirdoonkooda u dileen laba nin oo dadka magaalada ka tirsana balse ka soo jeeday dhulka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.