Dowlada: Qaadka waa in laga soo dejiyaa garoonka afisyoone

Posted on Feb 24 2010 - 12:02pm by News Desk
Tweet
Pin It

qadBartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa ganacsatada Qaadka ku amartay in ay ka soo dajiyaan diyaaradahooda garoonka Afisyooni Muqdisho.

Wasiirka Lacagta Dowlada KMG ah  Eng.C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in ay fareen ganacsatada in ay qaadka kala soo dagaan garoonka Afisyooni oo loo diyaariyay.

Wasiirka Lacagta waxa uu sheegay in ay Dowlada go’aan ku gaartay in qaadka lo soo weeciyo garoonkia Muqdisho gaar ahaan qeybta Ciidamada Cirka Afisyooni oo qaadka la doonayo in xiligan laga soo dajiyo.

ING.C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in dhibaato xoogan ay ganacsatada ku qabaan amarada ALshabaab ee Sh.Hoose ku siiyaan xiliga ay doonayaan in ayq aadka lala soo dagaan garoonka Diyaaradaha KM.50.

Wasiirka ayaa waxa uu hadalkisa imanayaa xilli dhawaanahan la isku khilaafsanaa in garoonka Muqdisho laga soo dajiyo Qaadka oo ay wasiiro Dowlada ka mida ay soo jeediyeen balse ganacsatada ay diideen.

Illaa xiligan lama oga sida ay ganacsatada ugu hogaansami doonaan hadalka Dowlada ay ku doonayaan in garoonka Muqdisho laga soo dajiyo Qaadka oo haatan ka soo daga Sh.Hoose.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.