Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay lacag Doolarka Madow ah oo ay ku sheegtay illaa 1-Milyan oo Doolar taasi oo ku socotay Magaalada Hargaysa.
Wasaarada Lacagta Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Lacagtaasi oo Boorso ku jirtay islamarkaana la doonayay in la saaro Diyaarada Daalo Air-Lain si ay u geyso Magaalada Hargaysa.
Wasiirka Lacagta Dowlada Soomaaliya Ing.c/raxmaan Maxamed Yariisow oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in la qabtay lacagtaasi Doolarka Madow ahayd taasi oo qalqal galin karta ammaanka Somaliland.
Wasiirka aya sheegay in lacagtaasi la doonayay in qaraxyo looga geysto Magaalooyinka Mamulka Somaliland islamarkaana ay badbaadiyeen in fal lagu sameeyo lacagta.
Col.C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidamada Booliiska ayaa dhankiisa sheegay in ay horey u qabteen lacagta Doolarka Madow Dawada lagu dhaqo taasi oo suuqyada dhibaata u keeni kartay .
Hadalka Dowlada lama yaqaan ujeedada ka danbeysa balse Lacagta maanta la soo bandhigay ayaa waxa ay ahayd mid ku jirtay Boorso balse aan la garan karin cadada rasmiga ah ee Lacagtaasi iyo cidda wadatay hadafka ay ka lahayd.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.