Bartamaha(Nairobi):-Dowlada Wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ogaatay Ciidamo lagu tababarayayo dalkeeda kuwaasi oo qaar ka mida laga qoray Dalkaasi.
Yusuf Xaaji Maxamed Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ogaadeen ciidamo dalkaasi lagu tababarayo oo qaarkood Kenya laga qoray taasi oo uu ku tilmaamay mid sharci dara ah.
Wasiirka Difaaca Kenya ayaa sheegay in aanay marnaba aqbali Karin Ciidamo dalka Kenya laga qoro o Ciidan ahan loo siiyo Dowlada Soomaaliya taasi oo uu ku sheegay mid ammaanka dalka Kenya halis galinaysa.
Yusuf Xaaji ayaa tilmaamay in markii hore ay filayeen in la tababarayo Ciidamo laga keenay Soomaaliya si ay Dowlada u caawiyaan iyagoo tababaran balse anay marnaba malaynayn Kenya in Askar laga dhiganayo dhalinyarada ka soo jeeda Woqoyi bari Kenya.
Hadalka Masuukan ayaa imaanaya xilli Dowlada Kenya madaxdeeda kale iyo Dowlada Soomaaliya ay wada beeniyeen Ciidamo lagu tababayo Dalkaasi Kenya oo qaarkood laga qoray Dalka Kenya gudihisa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.