Dowlada Itoobiya ayaa Nigeria ka codsatay in ay ciidamo la gaarto dalka Soomaaliya.

Posted on Jun 1 2009 - 6:11pm by News Desk
Tweet
Pin It

itobia-nayjeriaBartamaha(Muqdisho):-Safiirka dowlada Ethopia u fadhiya Abuuja ayaa ka codsaday dowlada Nijeria in ay ciidama dag dag ah u dirto dalka soomaaliya oo uu tilmaamay in ay halis ugu jirto kooxaha xagjirka ah.

Salemon DediFour oo ah safiirka dowlada Itoobiya u fadhiya dalka Nayjeeriya oo xalay ka qeyb galayay Casha sharaf lagu maamuusayaya xiriirka labada wadan ayaa waxa uu madaxweynaha Nayjeeriya u gudbiyay Codsi uu soo jeediyay Ra’iisul wasaari Mless Zenawi kaasi oo ku aadan in soomaaliya ciidamo loo diro.

Dowlada Itoobiya ayaa waxa ay Nayjeeriya ka dhaadhicinaysaa in dalka soomaaliya ay ka soo wajahayso Afrika dhammaan Qatar weyn taai oo ka imaanaysa Islaamiyiinta ku sii xoogaysanaysa dalka soomaaliya kuwaasi oo ay Itoobiya sheegtay in xilligan ay haboontahay in la tirtiro.

Safiirka Itoobiya ayaa sheegay in ay codsiga u dirista ciidamada ee dalka soomaaliya ay dowlada Nigeria u riyaaqday isagoo sheegay in ay rajjo fiican ka qabaan in dalkaasi uu ciidamo geeyo caasimada Muqdisho.

Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho oo qura ayaa waxaa xilligii hore ay wadamada Afrika oo ay Nigeria ku jirtay ay ballan qaadeen ilaa 8000-askari oo nabad ilaaliyaal ah taasi oo ku soo koobmatay laba wadan oo kaliya in ay muqdisho iyaga dhankooda isku ilaaliyaan.

Lama oga in dowlada Nigeria ay ka aqbali doonto Itoobiya in ay ciidama soomaaliya u dirto iyadoo ay horay uga caga jiidaysay in ay fuliyaan dalab kaga yimid Ururka Midowlada Agrika oo ay haatan ciidama ka mid ah ay joogaan soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia.