Hordhac:
Diiwaangelinta waxaynu galnay innaga oo aan aqoonsi caalami ah iyo haykal dowladnimo oo fiican midna lahayn. Guddida doorashooyinku cusub tahay oo aanay waayo-aragnimo iyo aqoon fiican toonna lahayn, dastuurkeennu aanu dhammaystirnayn oo weli uu qabyo yahay (first draft), maamulka dowladnimo tamar daran yahay, dadkeennu “ummi†yahay (waxna qorin, waxna akhriyin), reer guuraa u badan yahay, ciwaanno iyo meel loogu soo hagaago aanay lahayn, doorashadu ku cusub tahay, xuquuqdooda aanay garanayn, tolnimadu ku weyn tahay, xisbiyadeennu aanay adkayn, mabda’, hindese iyo ballanqaadyo aanay kala lahayn, dadkeennu aanu doorashada u jajabnayn, kala doorashada xisbiyadu ay weli ku qotonto “qof†doorasho iyo “tolnimo†ee aynaan mabda’ iyo ballanqaad ku qotomin.
Habka diiwaangelinta aynu qaadanay uu yahay kii ugu casrisanaa, ugu adkaa, uguna kharashka badnaa, aqoonta ugu sarraysana u baahnaa, waa isdiiwaangelinta elektarooniga ah “electronic registration†haddii cid aqoon u lihi ka talin lahayd waxaynu qaadan lahayn habka ugu sahlan, uguna dhibta yar oo ah isdiiwaangelinta warqadda “paper registrationâ€.
* * *
Haddii, isdiiwaangelinta aynu galnay noqdo kii saxda ahaa, faa’iidooyinka aynu ka heli lahayn waa sidan:
[1] Faa’iidooyinka
Dowladda
Sugitaanka amniga qaran
a.   Dadkay ciwaanno (address) ugu samayn kartaa
b.   Wixii la kala iibsanayo ayey kaadhka aqoonsi ku xidhaysaa
c.   Soc-socodka dadka iyo gaadiidka ayey kula socon kartaa
d.   Argagixisada iyo isqarxiyayaasha ayaa lagu qaban karaa
e.   Huteellada iyo kastamyada ayaa aqoonsi la isku weydiin karaa
Helitaan Aqoonsi caalami ah
f.   Geeddi socodka Dimuqraadiyadda ayaa la inoo tixgelinayaa
g.   Xuquuqul insaanka ayeynu dhowraynaa
h.   Awood isu dheeli tiran oo doorasho ku timi ayeynu ku dhaqmaynaa
Ogaanshaha muwaadiniinta qaangaadhka ah
i.   Tirokoob guud bay fududaynaysaa
j.   Dadka qaangaadhka ah ayaa la ogaanayaa
Ogaansha tirada gobollada ku nool iyo saami siintooda
k.   Gobollada siday u kala dad badan yihiin baa la ogaanayaa
l.   Saamiga dhaqaale, tacliineed iyo caafimaad baa lagu siinayaa
m.   Saamiga siyaasadeed (tirada goleyaasha) baa loogu sargoynayaa
Kala xadaynta iyo qiimaynta gobollada iyo degmooyinka
n.   Gobolladaa xuduud loogu samaynaa
o.   Degmooyinka gobol u gudbaya ayaa lagu qiimaynayaa
p.   Tuulooyinka degmo raba ayaa lagu miisaamayaa
Dadka
Helitaanka aqoonsiga jinsiyadda (identity card)
¾   Damiin buu u noqonayaa(identification)
¾   Baasaboor buu ku qaadanayaa
¾   Hantida ma guuraanka ah buu ku iibsanayaa (aqoonsi ahaan)
¾   Huteellada ayuu tusi karaa, kaantoroolladana wuu ku dhaafi karaa
Helitaanka Xuquuqda coddaynta (Voting right)
¾   Talada dalka ayuu ka qayb qaadanayaa
¾   Cid buu ku dooran karaa, waana lagu dooran karaa
¾   Danta guud buu ku ilaashanayaa
¾   Horumarka iyo wanaagga ayuu ku taageerayaa
Helitaanka amni iyo adeeg bulsho (Safety and Social Services)
¾   Nabadgelyo iyo amni buu ku helayaa
¾   Adeeg bulsho ayuu helayaa, sida tacliin iyo caafimaad
¾   Xornimo iyo xuquuq buu ku yeelanayaa
Xisbiyada
Doorasho xor iyo xalaal ah ayey helayaan
Waxay ku kalsoonanayaan ‘commission’ ka
Waxay ku qancayaan natiijada doorashada
Guddida Doorashada ( Electoral Commission Committee)
Waxay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah
Waxay u sahlaysaa waajibaadkooda shaqo
Doorashada ayaa si nabadgelyo ah u dhacaysa
Waxay ku dhowaaqayaan natiijo sugan oo xor iyo xalaal ah
Waxay meel xafidan ku kaydin karaan macluumaadka muwaadiniinta
Dhaqaalaha doorashooyinka – kuwa dambe – ayaa hoos u dhacaysa
Natiijada guud
Dal nabad gelyo ah
Dowlad la soo doortay
Doorasho xor iyo xalaal ah
Dal aqoonsi caalami ah leh
Dad xor ah oo wax doortay
Dhaqaala doorashada oo yaraada
Doorashada oo si nabadgelyo ah u dhacda
Dad diiwaangashan oo kaadh aqoonsi leh (ID Card)
[2] khasaaraha
Dowladda
Sugitaankii Amniga oo khalkhal gala, waayo dadkii oo toban ID card qaatay
Dhagar argagixiso ayaa dalka loo maleegi karaa, waayo muwaadiniinteenna aqoonsi ma laha, sirdoonkeenuna lama wada socon karo dadka dalka soo gelaya
Aqoonsi caalami ahaa oo la waayo, sababtoo ah diiwaangelintu ma aha mid heerkii looga baahnaa gaadhsiisan.
Khalkhal ku dhaca ogaanshaha muwaadiniinta qaangaadhka ah
Kala garan waa tirada guud ee gobollada ku nool iyo siinta saami qaybsigooda
Kala xaddayn la’aanta iyo qiimayn la’aanta gobollada iyo degmooyinka
Muran siyaasadeed oo ka oogma sargoynta saamiga gobollada
Dadka
Farihiisa, sawirkiisa iyo macluumaadkiisa oo si khaldan loo isticmaalo ama dal shisheeye laga iibiyo
Meel uu dhoof i lahaa oo sababtii diiwaan gelinta awgeed loogu diido
Xuquuqdiisii muwaadinimo oo uu kuwaayo diiwaangelinta darteed;
¾   Shaqo la iska hortaago, Baasaboor loo diido,Liisan ganacsi ama warsheed oo loo diido, Xil uu qaban lahaa oo ku waayo iwm
Xabsi uu ku mutaysto diiwaangelinta awgeed, sababtoo ah macluumaadkiisa oo si xun loo isticmaalo
Xisbiyada
Doorasho ku shubasho ah
Eex iyo ku kalsooni la’aan Commission-ka
Ku qanci-waa natiijada doorashada
Guddida Doorashada ( Electoral Commission Committee)
Waayitaanka kalsoonidii dadka, xisbiyada iyo xukuumadda ee Guddida Doorashada
Doorashada oo dhibaato ka dhacdo, muran, dagaal, dhimasho iwm.
Doorasho lagu noqnoqday, oo lagu shubtay
Ku mergesho natiijada doorasha
Macluumaadka muwaadiniinta meel xun ku dambeeya
Wakhtiga doorashada oo dibudhac ku yimaaddo
Muran siyaasadeed oo dalka ka oogma
Diiwaangelinta oo fashilanta
Natiijada guud
Doorasho oo lagu shubto
Diiwaangelinta oo fashilanta
Dowlad diktaytar ah oo talisa
Adduunyadoo ina aqoonsan weyda
Dalka oo nabadgelyo darro ka dhacdo
Dad ka oo xuquuqdoodii codbixineed waaya
* * *
Gebogebadii
Haddii laga maarmi waayo, waxaynu falanqayn doonaa sifaha loo maarayn kari lahaa, ama loo xalili lahaa mushkhiladda “ku celcelinta†ee lagu dhiiqeeyey diiwaangelintii maaxda ahayd; dad badan oo aan aqoon fiican u lahayn kambiyuutarka ayaa mushkiladda moodaya inay tahay walaxdan cusub ee af-qalaadka loo yaqaan “server†ka, afkeennana ku noqonaysa “Adeeg-waleâ€, hase ahaatee mushkiladdu waa maamulxumo iyo maarayn la’aan ka timi ciddii soo agaasintay iyo wacyi gelin la’aan dadka ka haysatey xuquuqda ay ku helayaan isdiiwaangelinta oo is barkaday. Walaxdan “adeeg-waluhu†waxa ay qabanaysaa uun wixii loo dirto, wixii lagu shubana way kaydinaysaa. Waxa kala shaandhaynta samayn lahaa haddii kambiyuutarrada oo dhan lagu tixi lahaa mareegta adeeg-walaha (computer network) ama maalintii, diiwaangelinta la wadey dadka inta macluumaadka goobta lagaga qaado loo sheegi lahaa in kaadhka aqoonsigana gobol kasta Wasaaradiisa Arrrimaha Guddaha laga bixin doono, ka coddayntana goobta laga coddaynayo laba bilood ka hor maalinta doorashada, oo aan goobtii laga diiwaangeliyey lagu siin kaadhadhka aqoonsiga iyo coddaynta, cidina kuma toban jeer noqoteen, waxaasina ma dhaceen – reer ba’aw yaa ku leh –
Waxaynu eegnaaba waa natiijadda diiwaangelinta oo Xudun iyo Negaadweyne mid uun u dhici doonta – khasaare iyo faa’iido – mid uun laga dheefi doono; haddii ay najaxdo (Ilaah ka ka dhigee) waxa aynu mar uun yeelan doonaa aqoonsi dhexdeenna ah iyo doorasho xalaal ah, waxaynu garanaynaa muwaadiniinteenna, waxaynu awood u yeelan karnaa inaynu kala xaddayno gobolladeenna iyo degmooyinka, waxaynu sugi karnaa amniga qaran, waxaynu la dagaalami karnaa musuqmaasuqa iyo dhagarta argagixiso, waxaynu heli karnaa tirokoob guud, si sahlanna waxa loogu saami qaybin lahaa bulshada degen gobollada dalka, waxa si fiican u hirgeli lahaa maamul-wanaagga, waxa adkaan lahaa asxaabta qaranka, siyaasadeenna ayaa sal dhigi lahayd, dadkeennuna xuquuqdiisa ayuu garan lahaa, addoonsida siyaasadeed ayey bulshadu ka bixi lahayd oo waxa iman lahaa xisaabtan dhab ah.
Haddii, natiijadu fashilanto – Alle kama dhigee – waxaynu korodhsanay daal iyo dayac badan, waxa gacan shisheeye ku dambayn kara macluumaadka muhiimka ah ee laga qaaday in ka badan milyan iyo badhka muwaadin ee isdiiwaangeliyey, waxa sawirradooda iyo farahooda laga iibsan karaa Yurub iyo America – kuwaas oo xaqootiga faraha badan ee dalalkooda soo gelaya inay ku joojiyaan oo keliya aan u isticmaali doonin ee ku darsan doona inay cid walba ku shaanbadeeyaan wixii ay doonayaan – wadaad kasta ku dhejiyaan argagixiso, qof walba wixii la rabo lagu xidhiidhin karo, sawirkiisa iyo farihiisana lagu soo celcelin doono shaashadaha telefiishannada caalamka, boggaga wargeysyada iyo wakaaladaha wararka – halis baynu daaqaynaa– Allow noo sahal ammuuraha –
Allaa Mahad Leh
Yasin Jama Nuh (Suldan)
[email protected]
www.aftahan.com
war ma waasahay mise cadan baa laga heesayaa: Bal ninkan dhalinta yar oo ilaah aqoon siiyay bal waxa uu ku hadlayo dhageeysta.
Dowlad , Basaboor , Nabad , Doorosho, Xalaal waxaas oo dhadh buu ku tilmaamay wax qabiil iyo naceeyb somaliyeed ku saleeysan Somaliland waa maamul Isaaq uu wato marka walaal naga daa deey.
afeef aniga isaaq waa walaalaheey waan dad somaliyeed balse waxaan diidanahay wax la yiraah IsaaqLAND