Dhulgariir xoog badan (Cabirka 8.8) ayaa ku habsaday wadanka Chile (VIDEO)

Posted on Feb 27 2010 - 4:38pm by News Desk
Tweet
Pin It

santi2SANTIAGO, Feb 27 -Dhulgariir aad u xoog badan ayaa ka dhacay wadanka Chile aroornimadii sabtida, dhulgariirkan ayaa xoogiisa lagu qiyaasay 8.8 Dhimashadana ilaa iyo hadda waxaa lagu qiyaasayaa 122 qof .

Dhul gariirkan oo ka xoog badan midkii ka dhacay dalka Haiti ayaa sawirada hadda nasoo gaaraya ay ku tusayaan khasaaraha uu gaystay, waxaa dariiqyada magaaladaƂ  Santiago iyo Concepcion lagu arkayaa baabuur rogmatay, guryo danbas noqday, dabaqyo dhaadheer oo dhulka la sinmay.

Hoos ka daawo CNN-ta oo ka sheekaynaysa sidayb wax u dhaceen (English ayuu video-gan ku hadlayaa)