Bartamaha(Muqdisho):-Shirkada Al-Fidda iyo dadka reer Muqdisho qaarkood ayaa dhaleeceen balaaran u jeediyay Hay’ada Norwegian Rufugee Concel oo ka qeybqaadatay dhismaha Dugsiga Bartamaha Ee Magaalada Muqdisho.
Masuul u hadlay hay’ada Al-Fidda ayaa shaaca ka qaaday in dhibaato xoogan ay ku qabaan qorshe lacago lagu lunsaday oo ay ku dhaqaaqeen qaar ka mida madaxda NRC iyo hay’ad kale oo ay qandaraas la galeen.
Hay’ada NRC ayaa waxa ay Contracty la gashay Ipico oo ay leeyihiin qandaraas qaatayaal Soomaaliyeed iyadoo Hay’ada Ipico ay Sub-Contracty la sii gashay Al-Fidda oo ah shirkad Soomaaliyeed oo dhanka dhismaha ka qeybqaadatay.
Hay’ada Ipeco ayaa waxaa la sheegay in ay qarisay dhammaan hishiiska Sub-Contrctyga ay la gashay Al-Fidda oo aanay u sheegin madaxda NRC taasi oo keentay in qar5ashda shirkada al-Fidda ay xaqa u leedahay uu meel kale ku dhoco.
Madaxda Al-Fidda waxa ay shaaca ka qaadeen in hay’adaha Ipeco iyo NRC aanay siinin dhaqaalaha ay shirkada howsha waday xaqa u lahayd taasi oo noqonaysa mid meesha ka saaraysa shaqada ay qabatay.
Labada shirkad ayaa waxa uu sheegay masuulka Al-Fidda u hadlay in hay’ada NRC ay shirkada IPECo la gashay hishiis laba waqti oo kala duwan taasi oo meeshga ka saaraysa shaqada Al-Fidda ay haysay.
Saraakiil u hadashay NRC ayaa waxa ay sheegeen in Dowlada Norwey ay dhaqaala badan ku bixiyeen Dugsiga sare Ee Bartamaha islamarkaana ay ku wareejiyeen hay’ad soomaaliyeed si ay shaqada dugsiga u sii wado.
Ugu danbayntii Shirkada Al-Fidda ayaa waxa ay sheegtay in lagu wareejiyay Dugsiga loona sheegay in ay dhaqaalihii ay ku dhiseen ay ka soo saartaan oo ay Dugsiga Iibsadaan ama ay ka shaqeeyaan taasi oo ah mid ka baxsan sharciga Waxbaradashada.
Dadka Deegaanka oo qaarkood Saxaafada la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay u baahanyihiin Waxbarasho islamarkaana ay doonayaan in lagu caawiyo sidii ay uga shaqa gali lahaayeen Dugsiga Sare Ee Bartamaha oo u baahan in gacan lagu siiyo sidii ay u bilaabi lahaayeen Waxbarashada.
Xasfiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.