Dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, ayaa wararku sheegayaan in saamayn kala duwan ay ku yeesheen dadka ku noolaa magaalada Muqdisho guud ahaan, gaar ahaanna xaafadihii ay dagaaladu ka dhacayeen.
Waraysiga
Dadwayne fara badan, ayaa ka cararay guryahooda, iyadoo ay dadkan ku jiraan kuwo dhowaan dib uga soo laabtay deegaanka ceelasha biyaha oo ay ku noolaayeen tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay dalka soo galeen.
Waxaa maanta degan goobaha ay shalay dagaaladu ka dhaceen, oo howlihii ay ganacsiga ay dib uga bilowdeen.
Goobaha qaar, ayaa wararku sheegayaan in wali isku horfadhiyo inkastoo meelaha qaarna ay ciidamadu ka kala tageen.
Ma jirto waanwaan rasmi oo la dhihi karo waxay keeni kartaa in lagu joojiyo dagaalka.