Bartamaha (Hiiraan):- Dhaqdhaqaaq aad u xoogan ayaa laga dareemayaa deegaanka Kala-Bayr ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay tageen Ciidanka Dowlada oo gacan ka helaya kuwa Ethiopian ah.
Wararkii ugu danbeeyay ee saaka aynu ka helnay Kala-Bayr ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlada ay builaabeen dhaqdhaqaaq u muuqanaya mid ay ku agaasimayaan duulaan ay ku yihiin deegaanada ay maamulaan Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Sida warka aynu ku helnay Ciidankan ayaa waxa ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Feer feer waxaana wehlinaya askartii ugu badnayd ee dhawaanahan soo gashay Gobolkaasi oo ka socda Dowlada Ethiopia kuwaasi oo la aaminsanyhay in ay gacan siinayaan Ciidanka Dowlada.
Dadka scodka ku soo maray deegaanka Kala-Bayr ayaa saaka soo arkay gaadiid dagaal iyo Cidian xoog badan oo Soomaali iyo Ethiopian leh oo dhammaan doonayay in ay u soo dhaqaaqaan deegaanada ku dhow dhow Ceel Gaal iyo Baladweyne.
Wixii ku soo kordha dhaqdhaqaaqa la dareemayo kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika