Danjiriha Soomaaliya u fadhiyay Yemen oo la sii daayay

Posted on Aug 12 2013 - 1:02pm by News Editor
Tweet
Pin It

gooKadib markii uu muddo saacado ah ku jiray xabsiga ayaa la sii daayay danjiriha Soomaaliya u jooga wadanka Yemen.

Ismaaciil Qaasim Naaji iyo fanaaniin Soomaaliyeed oo la socotay ayaa loo taxaabay xabsiga xilli ay safar ku marayeen qaar kamid ah magaalooyinka Yemen.

Xariga safiirka ayaa la yaab ku noqday Soomaalida Yemen oo horay aan u baran fal noocaan oo kale ah.

Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo dawlada Yemen ay ka soo saartay xariga safiir dhan oo wadankeeda ku sugan kaasoo haysta xasaanad diblamaasiyadeed oo aan la aqlabi karin in la iska xirto.

Dawlada Soomaaliya ayaa laga dhul sugayaa jawaabta ay ka bixiso xariga Safiirka.