Danjire Nuur Cadde oo ka hadlay Shirkii Tripoli Ee Dalka Liibiya.

Posted on Nov 30 2010 - 11:33am by News Desk
Tweet
Pin It

nur addeBartamaha (Sirta):- Danjiraha Dalka Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Italy iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa faah-faahiyay shirkii ka dhacayay Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya.

Danjire Nuur Cadde ayaa waxa uu sheegay in shirka ka socanaya Magaalada Tripoli uu yahay mid dan wayn ay ugu jirto Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka dhex muuqato shirka Wadamada AFrika iyo Yurub ay yeelanayaan.

Nuur Cadde ayaa xusay in arimaha Soomaaliya ay yihiin qodobada ugu waaweyn ee shirka ka socanaya Liibiya looga hadlayo waxaana looga doodayaa sidii nabad looga caawin lahaa dowlada Soomaaliya

“Soomaaliya qodobada ugu horeeya ee shirka looga hadlayo ayaan ku darnay waayoo waxaa dan weyn noogu jirtaa in ay xaaladeena ka hadlaan Yurub iyo Afrika…..”. ayuu yiri Danjire Nuur Cadde.

Nuur Cadde ayaa shirka ka jeedin doono arima muhiim ah ayaa waxa uu muujiyay in Bulshada Soomaaliyeed iyo Dowlada KMG ah ay dan ugu jiri doonto shirka ka socanaya Liibiya oo berito natiijo laga soo saari doono.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].