Prof.Dalxa oo dalbaday in laga gaaro Nolosha Soomaalida Masar.

Posted on Feb 3 2011 - 12:24pm by News Desk
Tweet
Pin It

dalxaBartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa dalbaday in gurmad iyo badbaadin lala gaaro dadka Soomaalida ah ee dagan Magaalada Qaahira.

Xildhibaan Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida Masar ay ka dhamaatay Raashinkii iyo dhaqaalihii islamarkaana ay u baahan yihiin Gurmad Deg-deg ah iyo badbaadinta Noloshooda oo uu sheegay in halis badan ay ku jirto markii banaanbaxa daba dheeraaday.

“Soomaalida waa dad Lacagtooda ay Bil ku filan tahay..Xawaaladaha way xeran yihiin ma haystaan dukaan ay rashin ka helaan waxaana la joogaa xiligii Biilka ay qaadan lahaayeen waa dhibanayaal aan dal ay u dhalan joogin banaanbaxana waa socdaa ee haloo gargaaro dadkeena….” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaan Prof.Dalxa waxa uu si toos ah u shaaciyay dhibaatada dadka soomaalida ah oo uu sheegay in aaanay shaqa ku lahayn Asxaabta is haysa iyo banaanbaxa socanaya balse ay yihiin dad Arday iyo qoysas u badan oo dalkaasi amni iyo aqoon u doontay.

Xildhibaankan waxa uu ka codsaday Qaramada Midoobe in ay gacan siiso dadka Soomaalida ah maadaama ay dhibanayaasha ay yihiin kuwa aan haysan dowlad gacan siin karta si ay Nabad iyo Nolol u helaan xiligan magaalooyinka dalkaasi ay kacsan yihiin.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]