Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Dowlada oo ka socanaya isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Posted on Aug 12 2009 - 9:47am by News Desk
Tweet
Pin It

dowlada.labadaBartamaha (Muqdisho):- Dagaaladan oo u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowlada Fd Soomaaliya ayaa waxa uu ka bilowday duhurnimadii maanta isgoyska Zoobe Ee Muqdisho.

Ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa in ay ka soo kala jeedaan Maxkamadihii dowlada ku biiray gaar ahaan ilaala Wasiirka Caddaalada oo gacan ka helaya Goobaale oo dhinac ah iyo Ciidamada Taliyaha Booliiska Cabdi qeybdiid iyo kuwa C/fitaax shaaweeye gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo dhinac ah .

Xaalada ayaa kacsan rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayaan waxa ay si toos ah uga socanaysaa isgoyska Zoobe Ee Muqdisho iyadoo labada dhinac ee dowlada ka wada tirsan ay helayaan gurmadyo taasi oo xaalada ka sii daraysa.

Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay isdhaafsanayaan labada ciidan ayaa laga maqlayaa inta badan deegaanada muqdisho iyadoo dadka caasimada ay isweydiinayaan dagaalka cidda uu u dhexeeyo maadaama la modo mid Dowlada iyo Xoogaga mucaaradka dagaalkooda oo kala ah.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo labada dhinac ay ka soo saareen dagaalka oo la moodo mid daqiiqad waliba sii xoogaysanaya iyadoo xilliga uu bilaabanayay la sheegayo in uu salka ku hayay dhac ciidamada dowlada qaarkood ay halkaasi ka geysteen.

Qasaaraha dagaalka ayaa noqon kara mid baxad weyn iyadoo goobta uu ka bilowday oo ahayd meel ay dadku ku badanyihiin la sheegayo in 5-ruux goobtaasi ay dhaawac ahaan u taalay wallow illaa haatan aan la ogayn nolo iyo geeri waxa ay ku suganyihiin maadaama goobtaasi ay rasaasta ka dhacayso tahay mid xoogan.

Wixii warar ah ee ka so baxa dagaalka xiligan ka dhacay Wadada Zoobe kala jaan qaad www.Bartamaha.Com Insha allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.