Dagaalo saaka ka dhacay Wadada KM.4 Ee Muqdisho xilli madaxweyne shariif uu ka ambabaxayay Garoonka Magaalada Muqdisho.

Posted on Aug 5 2009 - 2:06pm by News Desk
Tweet
Pin It

dagaal ba'anBartamaha(Muqdisho):-Dagaalo qorsheysan ayaa saaka aroornimadii hore waxaa wadada KM.4 EE Muqdisho ku soo qaaday Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka kuwasi oo ku soo beegay bixitaanka Madaxweyne Shariif sheikh Axmed.

Abaara 7-dii subaxnimo Ee Saaka xiili wadada Makka Al-Mukara ilaa Garoonka ay xernayd ayaa xoogaga Islaamiyiinta ay weerar xoogani ku soo qaadeen wadada KM.4 Ee Muqdisho halkaasi oo ay daganyihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM .

Ka dib dagaalkaasi kooban Ee Saaka ka dhacay wadada KM.4 ayaa waxaa bilaabatay madaafiic nuuca Hoobiyayaasha oo Ciidamada Amisom ay la beegsadeen Xaafadaha Afrikan Filaj, KPP iyo Terbuunka .

Kolanyadii glbinaysay Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya ayaa daqiiqada ka dib dagaalka waxa ay mareen wadada Makka Al-Mukarama Illaa KM.4 iyadoo ay si nabad ah ay ku gaareen garoonka Diyaaradaha Muqdisho .

Illaa haatan lama xaqiijin karo qasaaraha dagaalka saaka uu geystay maadaama wadooyinka la isku qabtay ay ahaayeen kuwa ay u madax banana yihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom goobaha la duqeeyana ay yihiin dhulka ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta Mucaaradka. 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.