Dagaalo qaraar oo u dhexeeyay Alshabaab iyo Maxkamadaha Dowlada raacsan oo ka socanaya Deegaanka Ceel-Baraf Ee Gobolka Sh.Dhexe .

Posted on Jun 28 2009 - 9:55am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalyahan

Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo ku bilowday si xoogan ayaa saaka waabarigii hore waxa ay ka bilowdeen Deegaanka Ceel-Baraf Ee Gobolka Sh.Dhexe iyadoo labada dhinac ee isku haya halkaasi ay kala yihiin Kooxda Alshabaab iyo Maxkamadaha Dowlada raacsan.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka bilowday Duleedka Deegaanka Ceel-Baraf halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidamo uu watay Gudoomiyihii Gobolkaasi Sh.Dhexe ee Maamulkii Maxkamadaha Sheekh Daahir Cadow Calasow kuwaasi oo weerar ku ahaa Deegaanka Ceel-Baraf  iyo Ciidamo alshabaab ka mida ahaa kuwaasi oo meel duleedka Deegaankaasi ah u galay Ciidamada weerarka ku soo ahaa Ceel-Baraf.

Sida dadka Deegaanka ay sheegayaa ilaa barqanimadii Maanta ayaa dagaalkaasi xoogiisa waxa uu ka socanayay Deegaanka Ceel-Baraf meel duleedka ka ah oo uu saaka dagaalka ka bilowday .

Illaa haatan lama ogaan karo qasaaraha labada dhinac kala gaaray balse illa madaxbannaan ayaa sheegaya in la arkayay Ciidamo alshabaab ka mida oo dhaawacya qaba kuwaasi oo loola cararayay dhanka Degmada Jowhar.

Xafiiska Wararka Soomaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia