Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga ka soo hor’jeeda ayaa galabta xilli danbe waxa uu ka bilowday xaafado ka mida Magaalada Baladweyne halkaasi oo ay wada joogeen.
Dagaalka ayaa waxa uu ka bilowday xaafadaha October iyo Buundo weyn Ee Magaalada B/weyne iyadoo la sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Xoogaga Mucaaradka oo wadooyin badan dagaalada uga soo qaaday Ciidamada dowlada.
Xaalada B/weyne ayaa ah mid aad u kacsan waxaana socanaya dhaqdhaqaayo ay wadaan labada dhinac iyadoo caawa dagaalka uu nqoday mid iskiis u istaaga ka dib markii la isku qorax dhacsaday dagaalka oo ka socanaya xaalafada Saldhiga Gaalshire iyo Buundo weyn.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee galabta B/weyne dagaalada isaga horyimid eek ala ah Ciidamada dowlada iyo Xoogaga Xizbul Islaam oo gacan ka helaya kuwa Alshabaab.
Dagaalka galabta bilowday lama ogaankaro qasaaraha ka dhashay iyadoo uu ku soo aaday xilli dhawaan askarta Itoobiya ay isaga guureen fariisinkii ay ku lahaayeen Deegaanka Kala-Bayar Ee Gobolkaasi kuwaasi oo ay gacansaar taageera ah ay la lahaayeen Ciidamada dowlada ee haatan B/Weyne ku sugna.