Bartamaha(Kismayo):- Dagaalkaan oo u dhexeeya ururda xisbul islaam iyo xara katu shabaabul  mujaahidiin ayaa maanta mar kale dib uga qarxay galbeedka magaalada kismaayo gaar ahaana goobihii ay xaley ilaa iyo galinkii ka socdeen dagaaladii habeenimadii xaley ka dhacay galbeedka magaalada kismaayo ee xarunta g/j/hoose
Dagaalka ayaa waxaa saxafad u xaqiijiy masuuliyiin ka kala tirsan maamulka walaayada islaamiga ee goboladani jubbooyinka ee hoos taga ururka xaarkatu shabaabul mujaahidiin iyo dhinaca kale xubno ka tirsan ururka xisbul islaam
 Ilaa iyo iminka lama oga qasaaraha rasmiga ah ee soo akal gaarey dhinacyadii dagaalamayey iyo sidoo kale hadii ay jiraan dad rayid ah oo wax ku noqday dagaalkani ka soconaya galbeedka magaalada kismaayo
Dagaalak oo ah mid Aad u qaraar isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana maqribnimadii xaley ka qarxay deegaanka jana cabbdalle oo qiyaastii 60 km dhica galbeed kaga beegan magaalada kismaayo ayaa waxa uu maanta ku soo fiday qeybo baadn oo ka tirsan galbeedka magaalada kismaayo gaar ahaana tuulooyinka canjeel far dhul bahante iyo tuulada gubo kibir kuwaasi oo dhamaantoodba ku yaala galbeedka magaalada kismaayo
 Waxii kasoo kordha dagaaladaasi  kala soco www.bartamaha.com