Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Dowlada Fd Soomaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho kuwaasi oo dad rayid ah ay qasaara ka soo gaartay.
Dagaalkan ayaa bilowday saaka aroortii hore iyadoo maanta oo idil la maqlayay rasaas labada dhinac ay isku dhaafsanayaan Frolensa ilaa iskuulkii 15-May Ee Degmada Wardhiiley.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka maanta ku dhimatay ilaa 4-ruux oo rayid ah iyadoo dhaawacyada la geeyay goobaha caafimaadka ay gaarayaa 8-ruux oo dhammaan ah shacab kuwaasi oo rasaasta ay ku haleeshay xaafado ka fog goobaha dagaalka.
Xaalada ayaa ahayd mid aad u kacsan iyadoo Ciidamada Dowlada Iyo Xoogaga ka soo horjeeda ay ku dagaalamayeen goob aan ka dheereen Xarunta Villa Somalia halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Islaamiyiinta oo u daadagay dhanka Madaxtooyada.
Illaa haatan ma jiro cid ka hadashay dagaalka maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Madaxtooyada xilli habeenadii la soo dhaafay ay sii kordhayeen Dagaalada aan jogsiga lahayn Ee ka dhacayay Xaafadaha Degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-wadaag Ee Muqdisho.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.