Bartamaha (Muqdisho)Â Xaalada Isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa caadi ku soo laabatay ka dib markii saaka uu ka dhacay dagaal qasaara nafeed geystay iyadoo dowlada Soomaaliya ay guula ka sheegatay dagaalkaasi.
Dagalka saaka ka bilowday Deegaanka Ex-Controlk Afgooye ayaa ahaa mid aad u xoogan kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo weerar ku qaaday fariisinkaasi
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 4-ruux iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen 8-ruux kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaalada tooska ah ku galay dhulka u dhexeeya goobaha shacaba ay uga carareen dagaaladii Muqdisho.
Â
Dhanka Dowlada Fd Soomaaliya ayaa guula ka sheegatay dagaalkii ay kula gashay Deegaanka Ex-Control Xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo ay ku Eedeysay in ay weerarka ay dhankooda soo qaadeen.
Afhayeenka Ciidamada Draawiishta Dowlada Fd Soomaaliya ayaa daaha ka qaaday in dagaalada maanta dhacay dhankooda ay kag dhaawacmeen 2-askari kuwaasi oo uu sheegay in dhaawacooda uu fududyahay.
Hadalada ay warbaahinta siiyaan Madaxda Dowlada iyo kuwa Mucaaradka ayaa badanaa waxa uu yahay mid lagu faano dhibaatada dhimashada iyo dhaawaca leh ee gaaraya shacabka soomaaliyeed.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â