Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Fd Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay dhimasha iyo dhaawaca dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay.
Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay isku qabteen Mobilo ay askarto soo dheceen iyo isku dhac hore oo xagga maaliyadda ah oo soo kala dhexgalay labada ciidan EE maanta isqoontay.
Illaa 5-ruux oo 4-ka mida ay yihiin Ciidamada Dowlada ayaa ku geeriyootay halka dhaawacyada 7-ruux la geeyay Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho oo aan sidaa uga dheereen goobta dagaalka uu ka dhacay.
Xaalada Deegaanka u dhexeeya Zoobe iyo Isgoyska Banaadir ayaa caawa ah mid aad u xasiloon iyadoo aanay jirin wax dagaal toos ah oo ka socanaya goobtaasi iyadoo ay jirto xiisad colaadeed laga dareemayo deegaanka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda Ciidamada Maanta dagaalada qaraar ku galay Wadooyinka Muhiimka ah Ee Dowlada Fd Soomaaliya madaxdeeda ay ku badanyihiin iyadoo ay labada koox Ee dagaalantay ay ka gaabsadeen ka hadalka dagaalka maanta dhacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.