Dagaal Xalay ka dhacay hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia.

Posted on Feb 25 2010 - 7:20am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaal ba'anBartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Kooxaha Mucaaradka ayaa Xalay ka dhacay hareeraha Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu dhacay Xalay saqdii dhexe ka dib markii Mucaaradka Ciidamadooda ay weerar ku qaadeen saldhigyada Askarta Dowlada eek u dhow Xarunta Madaxtooyada.

Daryanka Madaafiicda ayaa Magaalada inteeda kale laga maqlayay markii Kooxaha Mucaaradka ay isku dayeen in ay ku soo siqaan Madaxtooyada.

Madaafiic ayaa six un loogu garaacay agagaarka Madaxtooyada xaafadaha dacalka ku haya Geed Jacayl,Xararyaale iyo Aadan Cadde oo ay Mucaaradka weerarka ka soo qaadeen.

Xaalada ayaa saaka dagan lamina oga qasaaraha kla gaaray labada Koox maadama uu dagaalka ka dhacay dhul cidla ah oo shacabka ay isaga carareen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.