Dagaal Saqdii dhexe Ee Xalay ka dhacayu Muqdisho iyo Qasaara shacabka soo gaartay.

Posted on Feb 28 2010 - 8:35am by News Desk
Tweet
Pin It

5192Bartamaha(Muqdisho):-Dagal u dhexeeyay Amisom iyo Alshabaab ayaa Xalay ka dhacay Kuliyadii Jaale Siyaad Wadada Warshadaha Muqdisho.

Islaamiyiinta ALshabaab ayaa Xalay weerar xoogan ku qaaday Saldhiga Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.

Madaafiic ayaa la maqlay ka dibna waxaa xigay rasaas xoog leh oo dadka ay ka argagaxeen oo Xalay waan seexan waynay waxayna ahayd xilli saqdii dhexe ah sidaasi waxaa yiri Faadumno oo ka mida dadka Dayniile ku dhaqan.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday abaara 2-dii Habeenimo xili ay dadka hurdayeen wallow Madaafiic hurdada looga tuusiyay iyo rasaas ka dul dhacaysay.

Laba qof oo shacab ah ayaa dhimatay markii madfac uu ku dhacay Xaafada Raadeerka Degmada Dayniile Muqdisho oo ay Amisom  duqeyn u geysatay.

Lama garan karo qasaaraha kala gaaray AMisom iyo Islamiyiinta Alshabaab oo kala dagan Kuliyada Jaale Siyaad iyo dhismihii Wasaaradii Gaashaandhiga.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.