Dagaal qarar oo Maanta Muqdisho ka dhacay.

Posted on Oct 10 2010 - 5:30pm by News Desk
Tweet
Pin It

dagaaladii_maantaBartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan ayaa maanta ka dhacay Xaafado ka mida Magaalada Muiqdisho oo dhawaanahan ay isku hayeen Alshabaab iyo Amisom.

Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa dhacay galabnimadii maanta ka dib markii Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada ay qabsadeen dhul badan oo ay shabaabka haysteen oo ku yaalay Degmada Hodon.

Dagaalka oo saaka si goos goos ah uga dhacayay xaafadaha Terbuunka,KPP illaa Isgoyska Bakaaraha ayaa waxa uu noqday mid balaaran markii Taangiyada Amisom ay u soo dhaqaaqeen dhulkii rasaasta ay uga soo ridayeen Islaamiyiinta.

Xooga dagaalka oo ka dhacay xaafadaha Degmada Hodon ayaa waxa uu noqday mid fiday waxaana dagaal uu ka bilowday xaafadaha Degmada Howl-Wadaag sida agagaarka Xaafada Sayidka illaa Wadada Dabka Ee Magaalada Muqdisho.

Qasaaraha dagaalka oo aan si dhab ah loo ogaan karin dhinaca Mucaaradka iyo Askarta AMisom iyo Dowlada ayaa waxaa jira qasaara shacabka ka soo gaaray dagaalka maanta dhacay.

Inta la ogyahay waxaa dhaawac ahaan wadooyinka looga qaaday in ka badan 11-qof oo rayid ah ka dib markii Madaafiic badan ay gaareen xaafado ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha taasi oo waxyeelad shacabka sababtay.

Xaafadaha Dhaawacyada laga qaaday ayaa waxaa ka mida Xararyaale,Aadan Cadde,Geed Jacayl iyo xaafado kale oo ka mida woqooyiga Muqdisho oo madaafiic ay gaareen.

xaalada ayaa caadi ku soo noqotay gabal dhicii maanta ka dib markii xoogaga Islaamiga ah ay dib u soo gaareen dhulkii laga qabsaday oo ay ka bexeen gawaarida dagaalka iyo Taangiyada Amisom oo horboodayay Askarta Dowlada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].