Dagaal ka dhacay Muqdisho iyo qasaara shacabka gaaray.

Posted on Feb 2 2011 - 11:14am by News Desk
Tweet
Pin It

dgaaalllaaBartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan ayaa saaka ka dhacay qeybo ka mida magaalada Muqdisho kaasi oo qasaara kala duwan gaystay.

Dagaalada saaka ayaa waxa ay ka kala dhaceen Degmada Hodon iyo woqooyiga Caasimada Muqdisho oo ay isku qabteen alshabaab iyo xoogaga Dowlada KMG ah.

Dagaalka saaka ayaa ahaa mid wejiyo badan lahaa markii askarta shabaabka ay adeegsadeen Hub nuucya kala duwan leh oo Hoobiyayaal ay si xoog badan ugu garaaceen dhulka dowlada haysato.

Waxaa qasaaraha la ogyahay uu gaarayaa dhimashada 2-ruux iyo dhaawaca 4-kale oo shacab u badan oo dhammaan rasaasta ugu tagtay Degmada Boondheere oo xaafada yar laga dagan yahay.

Jawiga ayaa caadi ku soo laabtay mana jiro wax war ah oo shabaab iyo Dowlada labadaba ay ka bixiyeen dagaalka saaka ka kala dhacay Hodon iyo Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]