Bartamaha (Muqdisho):- Warar hadda naga soo gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoog badan uu ka qarxay Deegaankaasi.
Sida wararka aynu ku helnay weerar ka yimid Degmada Doolow ayaa la sheegay in Ciidanka Ahlu sunnah ay aad ugu dhawaadeen Degmada Luuq halkaasi oo dagaalka uu ka socanayo.
Dagaalka ayaa u muuqanaya mid ka duwan kuwii hore waxaana la sheegayaa in uu hadda yahay mid Xizbul Islaam iyo Ahlu sunnah uu u dhexeeyo iyadoo Ahlu sunnah ay aad ugu dhawaadeen Luuq.
Xaalada ayaa aad u kacsan gudaha Luuq waxaana dagaalka uu noqday mid gabalka uu u dhacay xaaladana ay tahay mid aad u cakiran.
Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.