Dagaal dhexmaray Burindiga iyo Alshabaab.

Posted on Jul 9 2010 - 9:18am by News Desk
Tweet
Pin It

amiBartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoog badan ayaa xalay ka dhacay Wadada Warshadaha Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay Alshabaab iyo Ciidanka Burundiga.

Dagaalka xalay oo dhacay saqdii dhexe ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsanayay nuucyada kala duwan ee Hubka Fudud iyo Midka Culculus oo dhammaan caasimada laga maqlayay.

Dagaalka ayaa bilowday markii Maleeshiyaadka shabaab ay weerar la tiigsadeen saldhiga Ciidanka Burundi ee dhismaha Kuliyadii Jaale Siyaad halkaasi oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacayay.

Hoobiyayaal iyo hubka Taangiaga ka dhaca ayaa barbar socanayay dagaalka xalay waxaana jiray 8-ruuxn oo dhawacooda la geeyay Isbitaalka Dayniile oo shacabka iyo Maleshiyaadka Islaamiyiinta la geeyo.

Xaalada ayaa saaka caadi isaga soo laabatay ka dib dagaalkii saqdii dhexe ka dhacay Wadada Warshadaha oo waayadan ahayd mid dagan oo aan dagaalo lagu qaadin saldhiga Ciidanka Burindi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee geeska Afrika.