Dadweynaha Garowe oo Walaac ka Muujiyay Lacagta Cusub ee ay Sameysaneyso DKMG

Posted on Jan 22 2010 - 3:59pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha (Garowe) — Shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa aad u hadal haya samaynta lacagta cusub ee ay ka dhawaajisay DKMG ah ee Soomalia asbuucyadii aan ka soo gudbnay taa oo ay dabacadeeda ka codsatay Dowlada Dalka Suudaan.

Lacagta cusub ayay ku sheegeen dadka ku dhaqan Magaalada Garow badnkood mid keeni karta sicir barar hor leh iyo dhaqaala xuma soo wajahda Umada Soomaliyeed waxa ayna tilmaameen in ay jiren lacago horay loo soo daabacay oo saameeyay guud ahaan Shacabka Soomalida ee ku dhaqan Dalka Soomalia.

Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa dhawaan ka codsatay dalka Suudaan in ay u soo samayso lacag cusub oo ay yeelato Soomalia hasa ahatee arintaa ayaa waxaa ka horyimid Dowlada Puntland oo amuurtaa ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn wadada ku haboon in loo maro

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi xakiin axmed Guuleed oo shir Jaraaid ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta laba maalin ka hor ayaa ku eedeeyay Dowlada KMG ah ee Soomalia la tashi la,aan waxa uuna sheegay in Dowlada Puntland aysan aqbali doonin samaynta lacagtaa cusub hadii ay dhacdo in ay hirgashana lugu isticmaali doonin gudaha deegaanada Puntland.

Hadalka ka soo baxay wasiirka warfaafinta ayaa daba socday hadal kale oo asna ka soo yeeray wasiirka Maamilyaa Dowlada Puntland Faarax Cali shire oo asna dhiniciisa sheegay in samaynta lacagtaa ay tahay mid la rabo in umadda lugu dhibaateeyo waxuuna ka digay in lacagtaa la so daabaco.

Waa markii ugu horaysay ee DKMG ah codsi daabacaad lacag cusub ah u dirto dowlada suudaan hasayeeshee waxaa jiray lacago horay loo soo daabacay oo ay soo samaysteen kooxa ganacsata ah taa oo samayn balaaran ku yeelatay dad farabadan oo xitaa qaarkood sicir barar owgiis waxyeelo ka soo gaartay.

______

Bartamaha Garoowe