Dad ku kala fog aragtida siyaasadeed oo Somali Peace Council isku arkay (VIDEO)

Posted on Feb 24 2010 - 8:36pm by News Desk
Tweet
Pin It
london cirroBartamaha (London) Tan iyo intii ay burburtay dawladnimadii Soomaalida ayaa waxaa jiray mar walba shakhsiyaad iskuhayay kuna hardamayay siyaasada Soomaaliya, balse hada ayaa waxay isku badashay
in kooxo ku abtirsanaya diimo ama fikrado ay u wareegtay is qabqabsigii.
intii kulankan uu socday ayaa waxaa halkaasi ay ka sheegeen mas’uuliyiintii ururada ka socday ama siyaasiyiintii in aysan ahayn dadka is hayaa Soomaalida;
sida uu sheegay Ra’isal wasaarihii hore Gacmo dheere wuxuu afkiisa ka qirtay in loo balanqaaday jago madaxweyne nimo balse dano lagu fushan lahaa, dhanka kale
afhayeenka xisbul islaam ee UK Sheekh Bashiir ayaa isna sheegay in ururada is hayaa mid walba ka amar qaato dawlad shisheeye isaga oo raaciyay in xataa xisbiga uu afhayeenka u yahay qudhiisu ku mataansanyahay dowlada Ereteria.
Hoos ka daawo kulankaas oo xiiso badan xambaarsan.

Waxaa soo saaray C/naasir Cirro
www.aduunyo.com