Bartamaha (Marka):- Dab xoogan oo qasaara sababay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka kacay deegaano ka mida Gobolka Sh/Hoose ka dib markii uu dab ka kacay goob dhuxusha lagu sameeyo.
Dabka oo kacay xilli lagu guda jiray gubida iyo aasida geedaha dhuxusha laga sameeyo ayaa waxa ay arintaasi sahal ka dhigtay in qasaara dhimasho u badan uu ka dhashay dabkaasi ka kacay god dhuxusha lagu sameeyo.
Dabka ayaa ka kacay Deegaanka Rogrog oo ka mida gobolkaasi sh.hoose waxaana halkaasi ku naf waayay 5-qof halka 2-kalana ay ku dhaawacmeen markii danba uu ka kacay god aad u waynaa oo ay dadkaasi dhuxul ku samaynayeen.
Dhammaan dadka dhintay ayaa waxa ay ahaayeen dadka ka shaqeysta jarista dhirta iyo samaynta dhuxusha oo muddo ka hor dhacdadan oo kale ay ku qabsatay Gobolka Jubada Dhexe xilli ay howshaasi ku guda jireen.
Inta badan dadka sameeya dhuxusha ayaa dhacdadan oo kale ay ku qabsataa Gobolkaasi Sh/Hoose waxaana uu gobolkaasi hadda yahay obolka ugu badan ee lagu sameeyo Dhuxusha wallow islaamiyiinta shabaabka ay xilli hore diideen jarista dhirta.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika