Dad Gaaraya ilaa 14 Qof oo lagu soo Eedeeyay Falal amaan darro oo ay ka wadeen Magaalada Kismaayo oo Xabsiga la dhigay.

Posted on Jul 6 2009 - 4:45pm by News Desk
Tweet
Pin It

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa Maanta Xabsiga dhigay Dhalinyaro gaareysa ilaa dhowr iyo toban qof oo lagu soo Eedeeyay in ay falal Amaan darro ah ka sameynayeen gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.

Maalmihii laga soo gudbay waxaa soo baxayay Cabashooyin ka imaanaya Bulshada qeybaheeda kala duwan eek u dhaqan gudaha Magaalada Kismaayo, Waxaana ay ka cabanayeen Dad ay sheegeen in ay Amaankooda Qatar ku hayaan Xilliyada Habeenkii ah, kuwaasi oo mararka qaar jabsada goobahooda ganacsiga ee ay ku leeyihiin qeybo kamid ah suuqyada Magaalada Kismaayo.

 Waxaana ay Maamulku si deg deg ah u sameeyeen Ciidamo Amaan oo xilliyada Habeenkii ah roondo ku mara Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo si ay u sugaan Amaanka Dadka Shacabka ah oo ay falal dhac ah u geystaan dhalinyaro xilliyada Habeenkii ah bilaabay in ay ka qaataan Moobeelada iyo Agabyada kale ee ay wataan, sidoo kalena u dhaca guryada xilliyada ay danbe ee Habeenkii.

Ciidamadaan Habeenkii Roondada ka sameeya Magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in ay soo xirxiraan Dad badan oo la tuhunsanyahay in ay yihiin kuwa qalqalka ku abuurayay arimaha la xiriira Ammaanka Magaalada Kismaayo.

Waxaana sidoo kale ay Maamulku Digniin u jeediyeen Dadka lagu tuhunsanyahay in ay Waxyeelada u geysanayaan Hantida Dadka Shacabka ah ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Xarutna J/hoose.

Waxaana arintani ay ku soo beegmeysay Xilli Maalmihii ugu danbeeyay ay ka cabanayeen Dadka Ganacsatada ah Dukaamada Waaweyn oo la jabsanayay Xilliyada Habeenkii ah, taas oo noqotay mid dadka reer Kismaayo aad uga yaabisay, waxaase lais weydinayaa waxa iska bedeli kara arimahaasi, mar hadii Ciidamada Ammaanku ay soo qabteen Dad badan oo ku eedeysan in ay falalkaasi gacmaha kula jireen.

 

Kala soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia