Dadkani soo barakacayaasha ah ee ku tabaaleysan Kaamamka Magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabasho iyo codsiyo u soo jeediyeen ganacsatada reer kismaayo, Hay’adaha Deeqda bixiyo iyo Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo.
Â
Codsiyadaasi oo ku aadan in Dadkani ku dhibaateysan Kaamamka Magaalada Kismaayo lala soo gaaro Gargaar biniaadanimo, Maadaama aysan heysan Hoy, Cunno ku filan iyo weliba Daryeel Caafimaad oo ay helaan Dadkaasi.
Â
Haseyeeshee Dadkani soo barakacayaasha oo ka kala yimid qeybo kala duwan oo dalka ah ayna ugu badanyihiin kuwa kasoo cararay Dagaallada aan kala joogsiga lahayn ee ka soconaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay haatan ku jiraan Guryo ka sameysan Xooshado islamarkaasina aan ka celin Karin roobabka haatan ka soconaya inta badan Koonfurta soomaaliya oo loo yaqaano Roobabka Xagaaga ah.
Â
Qaar kamid ah dadkaasi soo barakacayaasha oo aan ku booqannay Kaamamka ay ka daganyihiin Magaalada Kismaayo ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqanayay Dhibaatooyin xaga nolosha ah, balse ma muuqato cid ilaa iyo haatan u istaagtay wax uqabashada Dadkaasi kusoo barakacay gudaha Magaalada Kismaayo.
Â
Sikastaba ha ahaatee Dadkaani ku tabaaleysan gudaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay Masuuliyadoodu saarantahay Maamulka Islaamiga ah ee Gacanta ku haya Magaalada Kismaayo, lamina oga sida ay wax uga qaban doonaan Dhibaatooyinkaasi.
Â
Kala soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Â
Bartamaha-Kismayo